Home / latestnews / Duqa Muqdisho Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Laga Qaadanayo Kaarka Wadaninimada Iyo Warqada Dhalashada

Duqa Muqdisho Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Laga Qaadanayo Kaarka Wadaninimada Iyo Warqada Dhalashada

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo loogu magacdaray xarunta Dad-dhigida.

Xaruntaan ayaa ah goob laga qaadanayo kaararka aqoonsiga wadaninimo, waxaana qof waliba oo muwaadin Soomaaliyeed ah laga rabaa inuu qaato kaarkaan uu Guddoomiyaha ugu magacdaray (National ID) kaarka wadaninimada.Duqa Muqdisho ayaa sheegay in 13-qof oo shaqaalo ah ay ka shaqeeyaan goobtaasi aqoon uleh shaqadaan, waxaana sidoo kale goobtaan lagu qaadanayaa warqada dhalashada oo lacag ahaan lagu qaadanayo qiimo dhan shan doolar.

Kaarka wadaninimada ayuu sheegay duqa Muqdisho in lagu qaadanayo lacag dhan ($10.5) Toban doolar iyo bar oo account bank lagu shubayo, kadibna qofka uu buuxinayo foom loogu talo-galay oo uu qaadanayo intaasi kadib.

Amuurtaan ayaa waxa ay la xiriirtaa Naqshada cusub ee Baasaboorka dalka oo shalay lasoo bandhigay, waxaana arintani ay tahay mid sida muuqato ku adkaan doonta shacabka Soomaaliyeed la qabsigeeda.

Qiimaha lagu qaadanayo kaarka wadaninimada iyo Warqada Dhalashada ayaa ah mid badan marka loo eego dadka qaar aan awoodin lacagahaasi.

Xogtanews.com: Muqdisho.

Nagala soo xiriir: Info@Xogtanews.com: dayax201@hotmail.co.uk: Jjofane@gmail.com.

Xaafiiska wararka Xogtanews Muqdisho.

Xogtanews.com
Xaafiiska Wararka Xogtanews Muqdisho
Scroll To Top